Amniga iyo amnixumada Bossaso: Yaa lagu abaalmariyaa yaa se lagula xisaabtamaa? Yaa xilkaas hayey, yaa se hadda haya? (dhegayso)

Amniga iyo amnixumada Bossaso: Yaa lagu abaalmariyaa yaa se lagula xisaabtamaa? Yaa xilkaas hayey, yaa se hadda haya? (dhegayso)

Warbixintaan waxa aan ku falaanqaynayaa ammaanka Puntland, siiba ammaanka magaalooyinka Bossaso iyo Gaalkacyo. Waxa aan il gaar ah ku eegi doonnaa su’aalona ka keeni doonnaa masuuliyadda  ammaan-xumo ee Bossaso.

Warbixinta Radio Daljir waxa ay tilmaami doontaa fajicisada maanta ee Puntland iyada oo xaalka Bossaso iyo Gaalkacyo ee maanta uu sidaas yahay in haddana taliyayaashii ciidamada ammaanka ee lagu ogaa ammaanka Puntland ay wada yihiin musharrixiin, murashaxiin xildhibaan iyo musharraxiin madaxweyne Puntland.

Waxaa musharrixiin madaxweyne kala ah Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland, Janaraal Siciid Dheere,  iyo Taliyihii Ciidamada Amniga Puntland ee PSF-ta Taliye Asad Cisman Cabdullaahi. Waxaa musharrixiin xildhibaan Puntland kala ah Taliyihii Qaybta Gobolka Bari Cabdixakiin Yusuf, iyo waliba Taliyihii Ilaalada Canshuuraha Gobolka Bari Maxamed Baarri.

Hoos kaga bogo oo fadlan nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaaga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com