Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo xigtay inuu taageersanayn kala diristii guddiga maaliyadda

HomeWararka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo xigtay inuu taageersanayn kala diristii guddiga maaliyadda

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarla

Ciidamada Jubbaland iyo kuwaxa Xooga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose
Shacabka Garoowe: “Madxaweyne Deni iyo Teamkiisii waxay hore ugu heshiiyeen bay hada isku qabteen
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka aanu wax awood ah u lahayn inuu kala diro guddiga maaliyadda ee baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay guddoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa lagu sheegay in lagu kala diray guddigii maaliyadda ee baarlamaanka, isagoo u sababeeyey inay ku jiraan xildhibaano mucaarad ah oo dano gaar ah uga soo horjeeda dowladda.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka dibaddiisa ugu muqan dano u gaar ah, uu la xiriiray uuna sheegay inaanu ku qanacsanayn tilaabadii uu qaaday kuxigeenkiisa.

Waxaa uu sheegay sidoo kalle guddoomiye kuxigeenka koowaad inaanu awood u lahayn kala dirista guddiga.

Majirto war rasmi ah oo guddoomiyaha baarlamaanka uu ku sheegay inuu kasoo horjeedo go’aankii kuxigeenkiisa, marka laga yimaado xildhibaanada baarlamaanka oo qaarkood sheegay inuu guddoomiyaha uu ku qanacsanayn kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa aad ugu dhow madaxda sare ee raysal wasaaraha iyo madaxwaynaha, isagoona kahor intii xilkaasi lagu cadaadin inuu iska casilo guddoomiyihii hore baarlamaanka uu ahaa wasiir ka tirsan xukuumadda raysal wasaare Khayre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: