Ciidamada Jubbaland iyo kuwaxa Xooga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose

Ciidamada Jubbaland iyo kuwaxa Xooga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose, oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka fuliyay ay isugu jireen Ciidanka Danab iyo Ciidanka qeybta 43aad oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Ciidamada ayaa si nabad kula wareegan deegaanada Kaamjaroon iyo Buula Xaaji, kaddib markii Al-Shabaab isaga baxeen deegaanadaas, ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminayay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka sii socon doonto, isla markaana Ciidamada ay u sii ruuqaansadeen deegaano hor leh.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com