AMISOM oo ka hadashay Ciidamo u dhashay dalka Uganda oo la Xukumay

AMISOM oo ka hadashay Ciidamo u dhashay dalka Uganda oo la Xukumay

Qoraal ka soo baxay ciidamada AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay in maxkamad milatari ay ku xukunta 5 askari u dhalatay dalka Uganda dil toogasho ah iyo xabsi dheer kadib markii ay ku cadaatay inay dileen dad rayid ah.
Warka ka soo baxay ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in askarta xukunka ku dhacay la geyn doono dalka Uganda si ay halkaas loogu fuliyo xukunka.

Hase yeeshee warar soo baxayay shalay ayaa sheegayay in labada askari ee dilka lagu xukumay lagu fulinayo xukunkooda magaalada Muqdisho.

Askarta xukunka lagu ridey ayaa bartamihii bishii Augost ee sanadkan waxa ay ku dileen deegaanka Golweyn muwaadiniin Soomaaliyeed oo rayid ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com