Alshabaab oo xalay madaafic ku garaacay Baar Sanguuni

Alshabaab oo xalay madaafic ku garaacay Baar Sanguuni

Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar madaafiid ah ku qaadeen deegaanka Baar-saanguuni ee gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay saldhig kuleeyihiin ciidanka maamulka jubballand.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ilaa iyo 4-jug ay maqleen laakiinse aysan xaqiijin Karin halka ay ku dhacayeen,Alshabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigaan ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee gobalka Jubada hoose.

ila iyo iminka si rasmi ah looma xaqiijin karo khaqaasaraha ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah ee ay sheegteen xoogaga alshabaab,sidaan oo kale ayaa dhowr jeer waxaa madaafiic loogu garaacay saldhigaan iyada oo ay sii dheereed weerar toos ah oo Alshabaab ay marar badan ku qaadeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 5 years ago

    ALSHABAB+MI6+CIA=ONE.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    WAA KOOXO LOO SAMAYSTAY CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA & IN LAGU BURBURIYO DUNIDA MUSLIMKA.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com