Goodax barre oo eedeyey Xildhibaanada Qaranka

HomeWararka

Goodax barre oo eedeyey Xildhibaanada Qaranka

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay dhibaato ku hayaan howlaha Xukuumadda, is

Xulashada Daljir & Cabdixakiim Xuseen, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo muqdisho tagay
Madaxweyne Firdhiye: “Go’aanka Issimadda SSC-khaatumo wuxuu ahaa mid taarikhi ah

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay dhibaato ku hayaan howlaha Xukuumadda, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin Waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada Golaha Shacabka had iyo jeer ay jecel yihiin in ay hor istaagan shaqooyinka Xukuumadda.

Waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada Golaha Shacabka laga doonaayo in ay gutaan Waajidka Saaran oo aysan Mashquul ku noqon howlaha loo xil saaray xukuumadda Soomaaliya.

Hadalka Wasiir ayaa muuqday mid looga jawaabayay eedeeyn maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u jeediyeen xukuumadda Soomaaliya,taasoo ah in ay ku fashilantay howlaha Ammaanka ee dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: