Alshabaab oo weraar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala degaanka Camaara

Alshabaab oo weraar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala degaanka Camaara

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolka Mudug & Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarbay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga dalkabaybiska difaaceen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada ee degaanka Cammaara, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internetka ee taageera waxay ku sheegeen inay dagaalka ku dileen askar badan, isla markaana ay ku qabsadeen dhawr iyo tobaan gaari oo ah kuwa dagaalka .

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen inay la wareegeen guud ahaan degaanka Cammaara, in kastoonaysan jirin warar Madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab ee ah inay la wareegeen degaanka Cammaara.

Degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa horaantii Bishaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-Shabaab kadib howlgallo xiriir ah oo ka dhacay Gobolkaasi Mudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com