Maraykanka oo duqeyn cusub ka fuliyeey gobalka Mudug

Maraykanka oo duqeyn cusub ka fuliyeey gobalka Mudug

Wararka naga soo gaaraya devaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta duqeymo diyaaradeed ay ka dhacay duleedka degaanka Cammaara, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Gaadiid dagaal oo Al-Shabaab saaka ku qabsadeen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Cammaara, iyaga oo u waday degaannada kale oo ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Xubno badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay aheyd mid looga jawaabayay weerarkii Al-Shabaab ee degaanka Cammaara.

“Duqeeyntani waxay aheeyd mid lagu guuleeystay waxaan lagu dilay tiro badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab,.waxay aheyd tii sedexaad ee dhacda labadii Bilood ee la soo dhaafay oo lagu difaacayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana hortagaayey Al Shabaab, iyadoo wax qasaaro ahna soo gaarin Dadka Rayidka ee ku nool degaankaas ayaa lagu yiri” War kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku hardamayay Ciidamada dowladda oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda ay degaano dhowr la wareegeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com