Alshabaab oo Gubay Qaar ka mid ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

HomeWararka

Alshabaab oo Gubay Qaar ka mid ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

Ururka Alshabaab ayaa gubay guryo ku yaal tuulooyin hoostaga degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe kadib markii halkaa lagu diley 2 oday oo ka mid ahaa

Rabshado ka socda dalka Koonfur africa
Dowladda Itoobiya oo ugu baaqday AMISOM inaysan kabixin Somaaliya
Waraysi: faahfaahin laga helay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn.

Ururka Alshabaab ayaa gubay guryo ku yaal tuulooyin hoostaga degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe kadib markii halkaa lagu diley 2 oday oo ka mid ahaa duqeyda deegaanada Diinlaawe iyo Mansuur.

Guryahan oo ay degenaayeen qoysas beeralay ah ayaa ka cararay guryahooda oo ku yiil tuulooyinka Diinlaawe iyo Mansuur oo ku yaal daanta galbeed ee wabiga Shabelle kadib markii la diley labo nin oo nabadoono ka ahaa deegaanadaas.

Labada nin ee la diley ayaa la sheegay in la diley xilli ay fulinayeen amar ka soo baxay Alshabaab oo ahaa in la baabi’iyo beero la isku haystay oo ku abuurnaa dalagyo kala duwan.

Dad ka carooday beerahooda oo la baabi’inayo ayaa weeraray dadkii ka dambeeyay baabi’inta beeraha iyagoo halkaa ku diley labo oday kuna dhaawacay darawal kaxaynayay cagaf lagu baabi’inayay beeraha.

Guryaha la gubay ayaa la sheegay qoysaskii ku noolaa inay kabarakaceen iyagoo u kala cararay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo aysan joogin Alshabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: