NISA: “Waxaan dilnay 12 Sarkaal oo Al-Shabaab katirsan”

HomeWararka

NISA: “Waxaan dilnay 12 Sarkaal oo Al-Shabaab katirsan”

Qoraal kooban oo ay soo dhigtey barteeda Twitterka ayay hay’adda NISA ku sheegtay inay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ay ku dileen 12 sarkaal oo ka ti

Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka oo sheegay inuu meel maray rabitaanka shacabka
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Wacaal Daray ah: Ciidamada amaanka Bosaaso oo fashiliyay qarax (dhegayso)

Qoraal kooban oo ay soo dhigtey barteeda Twitterka ayay hay’adda NISA ku sheegtay inay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ay ku dileen 12 sarkaal oo ka tirsan Alshabaab.

Howlgalkan oo aan la sheegin halka uu ka dhacay ayaa lagu sheegay in sarakiisha ka tirsan Alshabaab ee lagu diley ay ahaayeen kuwo khalkhal gelinayay amniga caasimada dalka ee Muqdisho

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Argagixisada Maafiyada ah ee Alshabaab u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ay hey’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA .

Magaalada Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: