Wararkii ugu dambeeyay ee  xaalada Boosaaso

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Boosaaso

Isimada dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynah

RW Khayre oo Xalay kormeeray Goobtii shacabka lagu Xasuuqay (dhegayso)
Guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare oo Gudoomiye iska dhex doortay
Wafdi Kasocda Midowga Yurub oo Booqday Wasaaradda Gaashindhiga Somaaliya (dhegayso)

Isimada dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada Hay’dda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ee ka taagan Magaaladaasi Boosaaso.

Odayaasha dhaqanka iyo Isimada dhex-dhexaadinta wada ayaa shirar kala duwan Boosaaso kula qaatay mas’uuliyiinta ka tirsan Xukuimadda Puntland, sida, Wasiiro, Saraakiil Ciidan & Maamulka Gobolka Bari, iyaga oo kala hadlay sidii xaaladda loo dejin lahaa, isla markaana xal looga gaari lahaa muranka ka dhashayy xilka qaadista Agaasimihii Hay’adda PSF-ta Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saacadaha soo socda Isimada ay la kulmi doonaan Saraakiisha Ciidamada PSF ee ku sugan Magaalada Boosaaso si ay uga codsadaan in lala qaato dhex-dhexaadinta ay bilaabeen si loo xalliyo muranka taagan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa dhankooda soo dhoweeyay dadaalka odayaasha dhaqanka iyo Isimada ee ku aaddan xallinta is-marin-waaga ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha PSF.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa hadda ah mid degan, iyada oo Magaalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamada PSF-ta oo aad u hubeysan iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: