HomeUncategorized

Al-shabaabta Kenya oo Digniin Diray

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Muuse Genje oo deggan Tuulladda Pandaguo ee Degmadda Laamu ee dalka Kenya, ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inay isaga qabteen Dagaalyahanno Alshabaab ah, xilli uu ku sii jeeday inuu Malab ka soo miirto goob uu Shinnadu ku xannaanaysto oo ku taalla Dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee W/bari Kenya.

Roobab lagu diirsaday oo ka da?ay degmooyin hoos-yimaada J/hoose.
AKHRISO-Gudga xallinta khilaafka Soomaaliya oo laga talabaxay iyo madasha oo lawareegtay shaqadiisii.
DHEGEYSO-Taliyaha cusub ee Booliska gobolka Nugaal oo xilka lawareegey.

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Muuse Genje oo deggan Tuulladda Pandaguo ee Degmadda Laamu ee dalka Kenya, ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inay isaga qabteen Dagaalyahanno Alshabaab ah, xilli uu ku sii jeeday  inuu Malab ka soo miirto goob uu Shinnadu ku xannaanaysto oo ku taalla Dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee W/bari Kenya.

Ninkaasi oo 22-jir ah ayaa sheegay inay 6 dagaalyahan oo aad u hubysan ku qabteen meel 2-KM u jirta Tuulladiisa, wuxuuna xusay inay ku cabsi-geliyeen inay afduuban doonaan.

Waxa uu intaasi ku daray inuu muddo dhowr daqiiqo ah  jiifay dhulka, ka hor intaysan Alshabaab  ku amrin inuu dib ugu laabto Tuulladda uu ka yimid.

Dhinaca kale, Muuse Genje waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Kaymaha Boni u soo dhiibeen Farriin culus oo ku socota Ciiddanka Kenya, taasi oo ay Alshabaab ku sheegeen inay badbaadeen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si toos ah uga hortagaan Ciiddanka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Farriintaasi ay Alshabaab u soo dhiibeen Ninka Tuullo-jooga  ah waxay muujinaysaa inay Dagaalamayaasha Alshabaab weli ku xooggan yihiin Dhulka Kaymaha ee Boni Forest, isla markaana ay qorsheynayaan inay weeraro la beegsadaan Ciiddanka Kenya.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: