HomeUncategorized

Booliska Ingiriiska oo Baaraya Geerida Haweeeney Somali ah

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Baarayaasha Boliska Britain ayaa shaaciyey haybta Haweeney bishan December 11-dii u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaari Xamuul ah oo ku jiiray Waddo Isgoys ah oo ku taalla Degmadda Harlesden.

DHAGAYSO: Tarsan oo si Adag uga Hadlay Xadhig RW Somaliya loogu Gaystay Nairobi,Dhaliil-na u Jeediyay Dowladda
Buuq ka dhashay fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta.
Dab gaystay khasaare isugu jira mood & noole oo xalay qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Baarayaasha Boliska Britain ayaa shaaciyey haybta Haweeney bishan December 11-dii u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaari Xamuul ah oo ku jiiray Waddo Isgoys ah oo ku taalla Degmadda Harlesden.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jirey Nadiya Gaangari ayaa la sheegay inay geeriyootay 45-daqiiqo kadib, markii uu gaariga jug siiyey,

Dhakhaatiirta Isbitaalka  Northwick Park Hospital ayaa la sheegay inay bishan 15-dii baaritaan ku sameeyeen Marxuumadda, waxayna shaaciyeen inay u geeriyootay dhaawacyo jajab ah oo ka soo gaaray Shilkaasi.

Marxuumadaasi oo 62 jir ahayd waxay deganayd Degmadda Paddington ee Gobalka England ee dalka Britain, waxayna Boliska sheegeen inaysan weli soo qabanin  Dareewalkii geystay shilkaasi.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: