Al-shabaab oo weerar ku qaaday Ballidoogle iyo dowladda oo ka hadashay

HomeWararka

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Ballidoogle iyo dowladda oo ka hadashay

Dowlada Federalka ayaa ka hadashay weerar saaka ay ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab saldhigga ciidamada Ballidoogle ee gobolka Sh/hoose.

Maamulka Jubbaland oo horjeestey go’aanka doorashada Wasaarada Arrimaha Gudaha
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Nabadoon Gaani, “Ma Jiraan Reer Guuraa loo Diidey in ay Daaqaan Puntland” (dhegayso)

Dowlada Federalka ayaa ka hadashay weerar saaka ay ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab saldhigga ciidamada Ballidoogle ee gobolka Sh/hoose.

Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab saldhigga Balli doogle ay ka hortageen ciidamada saldhigga ku sugnaa lana fashiliyay.

“Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta isku dayay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Ballidoogle gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo Alshabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen, haddana waa la fashiliyay sababtoo ah CXD oo aad u feejignaa in ka yar 10 daqiiqana ku soo afjaray weerarka, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada federalka.

Sidoo kale dowlada federalka ayaa sheegtay in la diley dhammaan dagaalamayaashii soo weeraray saldhigga Balli Doogle.

Inkastoo ay guulo ka sheegteen dagaalkan dowlada federalka iyo ururka Al-Shabaab ayaan jirin warar madax banaan oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay Saldhigga Ballidoogle.

Saldhigga Balli-doogle oo ku yaal duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamo Mareykan ah, Ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: