Al-Shabaab oo sheegtay qarax lagu dilay ardey Quraanka Kariimka baranayey

Al-Shabaab oo sheegtay qarax lagu dilay ardey Quraanka Kariimka baranayey

Al-shaabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax saakay lagu weeraray xaruntii maamulka degmada Howlwadaag, iyadoona qaraxan uu burburiyay dhismayaal ku dhow.

Masaajid iyo dugsi Quraan ay ku dhiganayeen carruur uuna ku burburay ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana la sheegayaa carruurta tiradoodu inay ahayd sadex carruur ah inay ku geeriyoodeen xiligaasi oo dugsiga quraanka ay joogeen, iyadoo badi ardayda ay ka badbaadeen qaraxa oo labaatan daqiiqadood kahor laga fasaxay.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan uu gilgilay magaalada oo idil.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com