Wacaal daray ah: Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay  (Sawiro)

HomeWararka

Wacaal daray ah: Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay (Sawiro)

Wararka naga soo garaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muq

Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Haweenka gobolka Nugaal oo baaq udiray maleyshiyaadka ku dagaalamaya gobolka Mudug (dhegayso)

Wararka naga soo garaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay irida hore ee xarunta oo ku taalay bartamaha magaalada gaar ahaan xaafadaha dhexdooda .

Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya baaxada wayn ee qaraxa iyo khasaaraha uu dhaliyay waxaana ku bur buray guryo farabadan oo ay daganaayeen dad shacab ah .

ilaa iyo hada lama xaqiijin karo tirada dadka ku dhintay qaraxan ” balse laamaha amniga ayaa durbadiiba goobta soo gaaray .

Dadkii deganaa xaafada uu qaraxa ka dhacay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday naxdin iyo anfariir .

Goob jooge yaal ah ayaa  Daljir usheegay in dadka mesha ku dhintay ay kujiraan caruur .

Al-shabaab ayaa looga baran in ay bartilmaameed sadaan xaafada magaalada Muqdisho oo ay dadka shacabka ah ay dagan yihiin .

Sawiro .

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: