Al-shabaab oo sheegataya mas’uuliyada weerarkii Mandheera iyo Kenya oo ka hadashay

Al-shabaab oo sheegataya mas’uuliyada weerarkii Mandheera iyo Kenya oo ka hadashay

War-saxaafadeed kasoo baxay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay Weerarkii shalay lagu dilay 10 ruux, kaasi oo lagu qaaday Gaari Bus oo kusii jeeday Magaalada Mandheera.

Warka kasoo baxay Al-shabaab oo ku qornaa luqada English-ka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii oo dhaba-gal ahaa lagu beegsaday dad ay ku sheegeen inay ahaayeen gaalo Kenyaati, waxaana Warka ku saxiixnaa Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab ee Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab.

“Galabnimadii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 09 Rabiicu thaani 1441 Hijri, kuna beegnayd 06/12/2019, Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa hawlgal ka fuliyay gobolka Wajeer ee ka tirsan Kenya. Hawlgalka oo dhacay saacaddu markii ay ahayd 17:00 galabnimo, waxaa lagu dilay 10 ruux Kenyanti ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha sirdoonka qarsoon iyo shaqaalaha dowlada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Al-shabaab.
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerarkaasi lagu qaaday Mandheera.
Waxa ay dowladda xaqiijisay in toban qof oo lagu dilay Bas marayay Duleedka Mandheera ay ka mid ahaayeen saraakiil Boolis ah.

7 ka mid ah tobanka qof ee ku dhintay weerarkaas ayey dowladda Kenya ku sheegtay in ay ahaayeen saraakiil Boolis ah oo dib ugu laabanayay shaqadooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    GO FUCK YOUR SELF.
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNSOM+NISA+AMISOM=ONE.
    ISIS made in ISRAELI

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com