Faah Faahin: Weerar lagu qaaday Xabsi ku yaala Gaalkacyo

HomeWararka

Faah Faahin: Weerar lagu qaaday Xabsi ku yaala Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in xabsi ku yaalla halkaas ay weerar ku qaadee

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Jin iyo Insi, Buug Cusub oo lagu soo bandhigay Qardho (dhegayso)
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in xabsi ku yaalla halkaas ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Weerarkan lagu qaaday xabsiga ku yaalla Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii shalay halkaas lagu xiray mid kamid ah dadka deegaanka, waxaana Maleeshiyaadka saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta xabsiga.

Ninka lagu xiray Xabsiga Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay inuu dacweeyay mid kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii 22-ka Bishii lasoo dhaafay qoraal uu kusoo qoray Boggiisa Facebook uu ku Aflagaadeeyay Wasiirka.

Laamaha amniga Gaalkacyo ayaa sheegay in Ninka la xiray lagu magacaabo Cabdala Axmed Guuleed ayna soo qabteen Ciidanka amniga, isla markaana loo heysto dembi uu ka galay Wasiir ka tirsan Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: