Wasiiru dowlihii Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus

HomeWararka

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa goor dhow u geeriyooday cudurka Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay u xanu

Qoysaas ka yimid DDSI oo maanta gaaray Caabudwaaq (dhegayso)
Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa goor dhow u geeriyooday cudurka Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay u xanuunsanayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu ku jiro Wasiirka Amniga Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay geerida Wasiiru dowlaha Cadaaladda oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle

Xildhibaanka ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, isaga ku xanuunsanayay magaalada Jowhar, waxaana xilligaas looga shakisanaa xanuunka Coronavirus oo lagu arkay calaamado ka mid ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa jimcihii caddeysay in laga helay cudurka Coronavirus 9 ruux oo uu ku jiro Mas’uulkan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Inkastoo aanan weli war rasmi ah ka soo bixin Wasaaradda Caafimaadka oo ku aadan geerida Xildhibaankan, hadana waxaa uu noqonayaa mas’uulkii u horeeyay oo ka tirsanaa mid ka mid ah maamul goboleedyada oo u dhinta cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: