Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga saaray isbitaal loogaga daweynayay Coronavirus

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga saaray isbitaal loogaga daweynayay Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray maanta isbitaal loogaga daweeyay xanuunka Coronavirus,isagoo muddo saddex maalmood ah ku jirey qe

Warka Fiidnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
DFS oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagga fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray maanta isbitaal loogaga daweeyay xanuunka Coronavirus,isagoo muddo saddex maalmood ah ku jirey qeybta gargaarka deg-degga ah.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Johnson ayaan shaqada ku laaban doonin sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Mr Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa la jiifiyay isbitaalka St Thomas’ hospital magaalada London Axadii aynu ka soo gudubnay toban malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogaga mahad celiyay shaqaalaha isbitaalka daryeelka wanaagsan oo ay siiyeen ra’iisul wasaaraha.

Haweeneyda saaxibka la ah ra’iisul wasaaraha UK Carrie Symonds ayaa is karantiishay markii lagu arkay calaamadaha

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah Xoghayaha arrimaha dibedda Dominic Raab,waxaana la rajeynayaa in ra’iisal wasaaruhu shaqada ka maqnaan doono muddo bil ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: