Abukar Arman: Falaanqeynta khataraha ku soo fooleh Soomaaliya waqtiga dhow iyo kan fog (Dalmar TV)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Abukar Arman: Falaanqeynta khataraha ku soo fooleh Soomaaliya waqtiga dhow iyo kan fog (Dalmar TV)

Aqoonyahan Abukar Arman oo wareysi faahfaahsan siiyey Dalmar TV waxa uu wareysigan ku falaanqeynayaa siyaasadda adag ee ka taagan Soomaaliya, siyaasiy

Urgent Concerns On Direction Headed by the Federal Republic of Somalia Executive Branch
Odayaal iyo Xildhibaanno Hargeysa ka sheegey in qoryaha la qaato oo la iska celiyo Muuse Biixi
MAANHADAL: Puntland 20 Sano Kabacdi ma Gaartay Hadafkii loo Ddhisay? (dhegayso)

Aqoonyahan Abukar Arman oo wareysi faahfaahsan siiyey Dalmar TV waxa uu wareysigan ku falaanqeynayaa siyaasadda adag ee ka taagan Soomaaliya, siyaasiyiinta is-hardinaya ee hagaya siyaasadda dalka, danaha shisheeye, khataraha maanta taagan iyo kuwo ku soo fooleh dalka.

Wareysigu waxa uu falaanqeynayaa ammuuraha ay kamid yihiin:

  • Darbiga Beled Xaawo, danaha laga leeyahay, iyo xil-kaqaadistii Wasiirka Arrimaha Gudaha
  • Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo damacooda shakhsi fool-ka-fool danta qaranka
  • Shirkadaha ajnabi ee ugaarsada kana daneysta dalalka danyarta ah, kuwo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedba
  • Siyaasadda shirkadda Somali Oil & Gas iyo horjoogayaasha Soomaaliyeed ee saamileyda ka ah
  • Qalalaasaha ka taagan dastuurka dalka
  • Waxqabadka iyo waxqabad la’aanta xukuumadda Farmaajo
  • Af-ka-hadalka “Dib-u-heshiisiin” ee Madaxweyne Farmaajo iyo kalamaankiisa af iyo uur
  • Khatarta soo korortay ee shirkadda DP World iyo siyaasadda Imaaraadka iyo moogganaanta siyaasiyiinta Soomaaliya
  • Labada dhinac ee shirkadda DP World, mid ganacsi ee la yaqaan iyo midka siyaasadeed ee dahsoon iyo ku milankeeda calooshooda-u-shaqeystayaasha adduunka
  • Aamusnaanta Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ee siyaasadda DP World iyo tan Imaaraadka
  • AMISON iyo Itoobiya iyo sida dahsoon ee AMISON u tahay Itoobiya, Itoobiyana AMISON!
  • Xukuumadda iyo Qadar fool-ka-fool Imaaraadka
  • Deeganka Xalane iyo siyaasadda iibka AMNIGA ee Soomaaliya

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: