Odayaal iyo Xildhibaanno Hargeysa ka sheegey in qoryaha la qaato oo la iska celiyo Muuse Biixi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Odayaal iyo Xildhibaanno Hargeysa ka sheegey in qoryaha la qaato oo la iska celiyo Muuse Biixi

Mudanayaal baarlamaan oo ka tirsan Xisbiga Waddani ee Somaliland iyo odayaal iyo waxgarad ka soojeeda koonfurta Hargeysa ayaa si adag uga digay cawaaq

Rehabilitation work for Garoowe General Hospital delayed due to COVID and not corruption
GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC
Full Video | Madasha Daljir & Musharax Axmed Ciise Cawad iyo su’aalaha dadweynaha!

Mudanayaal baarlamaan oo ka tirsan Xisbiga Waddani ee Somaliland iyo odayaal iyo waxgarad ka soojeeda koonfurta Hargeysa ayaa si adag uga digay cawaaqib xumada ka iman doonta haddii ay xukuumaddu caddayn waydo, isla markaana ay tallaabo ka qaadi waydo ciddii afduubatay ee waxyeelada soo gaadhsiisay afhaweenka garabka haweenka ee xisbiga Waddani Sahra Ismaaciil Haaruun. Sahra ayaa maalmo kahor ‘sirdoonka dahsoon ee Somaliland’ lagu eedeeyey in ay ka afduubeen gurigeeda agtiisa ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay dhaawacyo jidh-dil uu sababay ay ka soo gaadheen madaxa. Sirdoonka dahsoon ee Somaliland ayaa lagu eedeynayaa in uu hoggaamiyo wiilka Madaxweyne Muuse Biixi.

Odayaal, xildhibaanno iyo xubno bulshada koonfurta Hargeysa ka socday oo si cadho leh arrintan uga hadlay ayaa sheegey in afduubka Sahro ay ka danbaysay madaxtooyada Hargeysa iyadoo si gaar ah eedeynta loogu duur-xulay wiilka uu dhalay madaxweynaha Somaliland ee Axmed Muuse Biixi, kaasi oo gudaha Hargeysa ka fuliya afduubyo iyo ciqaabo uu si gaar ah ugu gaysto cid kasta oo ka soo horjeedda madaxtooyada Hargeysa. Axmed Muuse ayaa lagu eedeynayaa inuu Hargeysa ku leeyahay guryo uu u isticmaalo in dadka uu soo afduubo ku haysto, kuna ciqaabo, iyadoo falal is-xig-xiga oo noocaas ah uu ku kacayey tan iyo sannadkii hore.

‘‘Hadday ka bilaabatay Hargeysa, Laascaanoodba waxay ku gacangashay ‘la garan maayo qofka la dilayo cidda dilaysa,’’’ ayuu yidhi xildhibaan Ibraahin Maxamed Jaamac Guun oo ka tirsan xisbiga Waddani. Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in illaa xilligan aan waxba laga qaban dacwad ay Sahra Haaruun u gudbisay laamaha garsoorka.

Odayaal ka hadlay madashaas ayaa iyaguna sheegey in haddii arrintan wax laga qaban waayo ay iyagu gacantooda ku ciil baxayaan, isla markaana nin kasta uu qorigiisa soo qaadan doono.

Xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame (Food) oo isaguna ka tirsan mudaneyaasha Wakiillada Somaliland ku metela xisbiga Waddani ayaa sheegey in Somaliland xilligan ay cakirantahay, isla markaana siyaasad madhalays ah ay dhigtay halka ay haatan taagantahay, waxaana uu mudanahan sheegey in ay lama huraan noqon doonto in beeluhu ay yeeshaan shir ay aayohooda uga tashanayaan. Xildhibaanka ayaa rajo xumo weyn ka muujiyey marxaladda maamulka xilligan ee Somaliland, kana dardaar weriyay sida iyo halka ay ku danbayn doonto Somaliland-ta xilligan.

Sahra Ismaaciil Haaruun, afhayeenka garabka haweenka ee Waddani, ayaa dhawaan ka soo kacday dhaawac rasaas oo ay gaadhsiiyeen ciidamada Somaliland xilli ay taageerayaasha xisbigeedu magaalada Hargeysa ka dhigayeen dibad-bax ay kaga soo horjeedeen xilli kororsi ay ku eedeeyeen inuu si sharciga baalmarsan ugu dhaqaaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sahra ayaa markii ay dhaawacaas ka kacday laga afduubtay meel u dhow gurigeeda magaalada Hargeysa, lana sheegey in la geeyey guri ku yaala xaafadda Jigjiga yar ee isla Hargeysa, halkaasi oo jidh-dil loogu gaystay isla markaana ay iyada oo miir daboolan oo dhaawacyo waawayn ay ku yaallaan xilli habeen ah lagu soo ag-tuuray meel u dhow gurigeeda.

Xubnaha madashan ka hadlay waxa ay sheegeen in ay hore u qabeen ciil badan oo ay la aamusnaayeen, haddana aanay in badan u sii dulqaadan karin in lagu xadgudbo haweenkooda, waxana ay muujiyeen rajo yarida ay ka qabaan in sharciga arrintan wax looga qaban doono. Xubnaha ayaa ku celceliyey in aan la qariibsan karin in ay iyagu qaataan go’aanno aargudasho ah oo ay hubkooda qaataan.

Waxaa gudaha Somaliland isa soo taraya mucaaradada mugga leh ee ka imaanaya qaybo kaladuwan oo beelaha deegaanka, kuwaas oo xilliba xilliga ka sii danbeeya ay sii kala irdhoobayaan hoggaanka xilligan ee Somaliland oo ay ku sifaynayaan kaligitalis madax adag.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: