Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka oo geeriyoodey & Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka Somaliyeed

HomeWararka

Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka oo geeriyoodey & Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka Somaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabk

Caruur ku dhimatay dab ka kacay Bosaaso (Daawo)
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil: “Carabtu waa Dameer Madax-adag” (kartoon)
Booliska Dalka Kenya oo soo bandhigay lix qof oo loo heysto weerarkii Dusit Hotel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab ee laga sameeyey Gobolada dalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: