Booliska Dalka Kenya oo soo bandhigay lix qof oo loo heysto weerarkii Dusit Hotel

HomeWararka

Booliska Dalka Kenya oo soo bandhigay lix qof oo loo heysto weerarkii Dusit Hotel

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay sawirada illaa lix qof oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel

XAFIISKA WAXBARASHADA SSC KHAATUMO
Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Shacabka Bosaaso: “Kenya Waa cadowga umadda Somaliyeed jabkoodana waan ku faraxsanahay

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay sawirada illaa lix qof oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Magacyada iyo sawirada raggan ayaa lala wadaagay warbaahinta dalkaas, iyadoo shacabka lagu wargeliyay inay soo sheegaan cidii aragta.

Raggan oo Kenyan ah ayaa laga baadigoobayaa dhammaan magaalooyinka Kenya, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii Dusit Hotel.

Magacyada lixda qof ee la soo bandhigay ayaa waxay kala yihiin

1- Didu Maxamed Fujija “Duktur”,

2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Raggan ayaa ka soo jeeda magaalada Isiolo, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ku biireen labo sano ka hor, isla markaana ku sugan yihiin gudaha Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: