Amniga Dhuusamareeb oo laga shiray

HomeWararka

Amniga Dhuusamareeb oo laga shiray

Wasiirka amniga Galmudug, Saraakiisha amaanka Dhusamareeb, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada iyo madax kale ayaa ka wada hadlay adk

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha
Madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda faderaalka oo xaflad loogu sameeyey Muqdisho (sawiro)
Cabdicasiis Siciid Maxamuud: “Weli waxaan ahay mudane katirsan Baarlamaanka Puntland” (Daawo)

Wasiirka amniga Galmudug, Saraakiisha amaanka Dhusamareeb, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada iyo madax kale ayaa ka wada hadlay adkaynta nabad gelyada Magaalada, ka dib shir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Waxyaabaha looga hadlay kulanka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa warbixin guud oo la xariirta amniga, xoq-waraysiyo ku saabsan nabad gelyada, howlgallada lagu sugayo amniga Caasimadda iyo wayaabaha cusub ee la diiwaan geliyey.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si kooban uga hadlay Wasiirka aminaga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Shaadaq Sheekh Yuusuf, waxa uuna ka war bixiyay waxyqabihii looga hadlay kulanka.

Wasiirka ayaa sheegay in laysku Afgartay xoojinta sugidda amaanka Caasimada maamulka Galmudug iyo sidii ay iskaashi ku yeelan lahaayeen dhammaan laamaha ammaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: