Madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda faderaalka oo xaflad loogu sameeyey Muqdisho (sawiro)

Madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda faderaalka oo xaflad loogu sameeyey Muqdisho (sawiro)

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda faderaalka ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, taasi oo uu dhigay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay raysal wasaaraha dowladda faderaalka Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay shacabka Muqdisho inay diyaar u yihiin ka shaqaynta hormarka dalka, waxaana uu guulo ku tilmaamay shirkii ugu horeeyey ee uu ku matalo gobolka Banaadir ee kadhacay Muqdisho oo ay yeesheen madaxda dowladda faderaalka, dowladaha xubnha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kulanka ka sheegay magaalada Muqdisho inay muhiim tahay inay yeelato maqaam gooni ah, si ay astaan u noqoto maamulada kalle ee dalka.

Maqaamka caasimadda ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay mid hormarin kara magaalada iyo guud ahaanba dalka loona baahanyahay in la dadajiyo, lana ogaado cidda diidan maqaamka Muqdisho maadaama uu yahay mid dastuuri ah.

Raysal wasaare Khayre ayaa isaguna kulanka ka sheegay Soomaaliya inay kusocoto jidkii rajada ee dowladnimada, isagoona sheegay in mar walba midnimada ay muhiim tahay.

Fanaaniin ay ka mid tahay Hibo Nuura ayaa madasha heeso kusoo bandhigtay ay kaga hadlayso muhiimadda iskaashiga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com