Amniga Dhuusamareeb oo laga shiray

Wasiirka amniga Galmudug, Saraakiisha amaanka Dhusamareeb, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada iyo madax kale ayaa ka wada hadlay adkaynta nabad gelyada Magaalada, ka dib shir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Waxyaabaha looga hadlay kulanka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa warbixin guud oo la xariirta amniga, xoq-waraysiyo ku saabsan nabad gelyada, howlgallada lagu sugayo amniga Caasimadda iyo wayaabaha cusub ee la diiwaan geliyey.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si kooban uga hadlay Wasiirka aminaga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Shaadaq Sheekh Yuusuf, waxa uuna ka war bixiyay waxyqabihii looga hadlay kulanka.

Wasiirka ayaa sheegay in laysku Afgartay xoojinta sugidda amaanka Caasimada maamulka Galmudug iyo sidii ay iskaashi ku yeelan lahaayeen dhammaan laamaha ammaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com