Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka bilaabaya Galgaduud iyo Mudug (Sawiro)

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka bilaabaya Galgaduud iyo Mudug (Sawiro)

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed G/Sare C/Casiis Cabdulahi Cabdi “Qooje” oo ay Wehliyaan Abaanduulaha Qaybta Dhamme Aadan Si

Booliiska Kenya oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil u geystey 5 carruur ah
Dowladda oo si rasmi ah ula wareegtay Amaanka Magaaladda dhuusamareeb
Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kulan kula qaatay Issimadda dhaqanka SSC-KHAATUMO. (Sawiro)

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed G/Sare C/Casiis Cabdulahi Cabdi “Qooje” oo ay Wehliyaan Abaanduulaha Qaybta Dhamme Aadan Siyaad Cabdi iyo Taliyaha Guutada 13aad G/Le Cabdiraxman Maxamuud ayaa Kormeeray Ciidamada Guutada 13aad oo Isku Diyaarinaya fulinta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deeagano tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Taliyaha Qaybta 21aad G/Sare C/Casiis Cabdulahi Cabdi “Qooje” Ayaa Ciidamada Qaybta Kaga Mahad celiyay Howlgaladii ugu Dambeeyay ee Laga Fuliyay Deg. Camaara oo lagu Soo Afjarey Shabakad Alshabaab ka Tirsan , sidoo kale Taliyaha ayaa u diray fariin shacabka soomaaliyeed ee ku nool Degmoyinka Xarardheere, Galhareeri, Ceeldheer, Ceelbuur iyo Dhamaan Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: