Booliiska Kenya oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil u geystey 5 carruur ah

Booliiska Kenya oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil u geystey 5 carruur ah

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin qirtay inuu kufsaday oo dilay shan gabdhood oo yar yar, maalmo un kadib markii nin kale lagu eedeeyay inuu ugu yaraan 10 caruur ah dhiigga ka nuugay kadibna diley.

Xarigga ayay baarayaashu ku tilmaameen guul weyn kadib dhacdooyin badan oo afduub caruur ah oo dhaliyay carro iyo dibad baxyo.

Booliska ayaa sheegay in ninkan Evans Juma Wanjala uu isku soo dhiibay booliska uuna geeyay goobtii uu ku qariyay meydadka gabdhihii uu kufsaday kadibna dilay.

Ninkan ayaa la sheegay in gabdhaha uu afduubto uu kufsi kula dhaqaaqayay kadibna uu ceejo ku dilayay.

Wanjala ayaa wajihi doona maxkamad isagoo lagu soo oogay dambi ah dil sida ay booliska sheegeen.

Arbacadii, nin kale ayaa la xiray, oo ay boolisku ku sifeeyeen “dhiigyacab” waxaa uu qirtay dilka naxariis darrada ah ee ugu yaraan 10 carruur ah.

Masten Milimo oo 20 jir ah ayaa saraakiisha geeyey goobtii uu meydkooda ku qariyay carruurtii uu diley duleedka magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Maxkamad ku taal Nairobi ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo 30 maalmood si booliiska loo siiyo waqti dheeri ah oo ay kiiska ku baaraan.

“Xariga labadan tuhmane waa guul weyn oo laga gaaray baaritaanadayada, waxay wajihi doonaan cadaalad” ayuu yiri George Kinoti, oo ah agaasimaha waaxda dambi baarista oo waalidiinta ku booriyay inay il gaar ah ku hayaan caruurtooda.

Kiisaska noocan oo kale ah ee afduubka ee ku lug leh carruurta iskuulka aadaya, qaarkoodna ay ku dambeeyaan inay dhintaan, ayaa noqdey mid argagax ku abuuray waalidiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com