Maxay ka wada hadleen Guddiyada Amniga & Doorashada ?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Guddiyada Amniga & Doorashada ?

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa xalay kulan diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijint

68 ka mid ah noocyada qafilan ee gaadiidka dagaalka oo loogu deeqay dowladda faderaalka (Sawiro)
Madaxweynayaasha Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha COVID19
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakisha Amniga Jubbaland

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa xalay kulan diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka heer Qaran,kaas oo uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan (Xijaar).

Kulankan oo Muhiimadiisu ahayd sidoo dalka uga dhici lahayd doorashooyin xor & xalaal ah oo nabdoon ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF oo wada diyaar garow xooggan oo la xiriira sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulano la yeelanayay qeybaha kala duwan ee ay quseyso doorashada dalka.

Kulankan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli dhawaan la shaaciyay jadwalka doorashada oo ay ku cadahay markale in dhamaadka bishan ay dhici doonto doorashada senatarada Aqalka Sare.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0