68 ka mid ah noocyada qafilan ee gaadiidka dagaalka oo loogu deeqay dowladda faderaalka (Sawiro)

HomeWararka

68 ka mid ah noocyada qafilan ee gaadiidka dagaalka oo loogu deeqay dowladda faderaalka (Sawiro)

Dowladda Qatar ayaa ka dajisay magaalada Muqdisho 68 ka mid ah gaadiidka dagaalka nooca qafilan kaasi oo loogu deeqay dowladda faderaalka Soomaaliya.

XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
GAROWE: “Waqti ayay kugu qaadanaysaa in aad gaarto gurigaaga ama goobtaada shaqo” (Warbixin)

Dowladda Qatar ayaa ka dajisay magaalada Muqdisho 68 ka mid ah gaadiidka dagaalka nooca qafilan kaasi oo loogu deeqay dowladda faderaalka Soomaaliya.

Munaasbad ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho oo gaadiidka lagu soo bandhigayay, waxaana ka qaybgalay saraakiil katirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Qatar iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

Lama oga gaadiidkan inay dowladda faderaalka ay gaarsiin doonto dowlad goboleedyada oo iyagu dagaal kula jira Al-shabaab iyo inay ku koobnaan doonaan magaalada Muqdisho.

Qatar ayaa wada shaqayn la leh dowladda faderaalka Soomaaliya, waxaana jira tartan xoogan oo kala dhaxeeya dowladda Imaaraatka oo iyadu horay ciidamo u tababartay Puntland, sidoo kalena xirtay saldhigeeddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: