3 ruux oo looga shakiyey weerarkii Jaamacada Garissa oo maxkamad la soo tagay

HomeWararka

3 ruux oo looga shakiyey weerarkii Jaamacada Garissa oo maxkamad la soo tagay

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku heshay dambiyo la xiriira argagaxisanimo saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii dagaalamaya

Wasiiro katirsan Galmudug oo xariga kajaray Saldhig boolis oo kuyaal degmadda Bangeele (dhegayso)
Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Beyle oo ka hadlay dhaqdhaqaaq dekadda Muqdisho
Madaxweynaha Puntland oo hambalyo hawada u mariyeey Wasiirka Maaliyada DDS

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku heshay dambiyo la xiriira argagaxisanimo saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan ku qaadeen sanadkii 2015kii Jaamacada Garisa oo lagu diley illaa 148ruux oo badankood ay ahaayeen arday.

Maxkamada ayaa ku heshay dambi labo Kenyan ah Hassan Aden Hassan iyo Mohamed Abdi Abiar – iyo mid kale oo ka soo jeeda dalka Tanzania Rashid Charles Mberesero, halka Sahal Diriye Xuseen ay maxkamadu sii deysay.

Go’aanka Maxkamada ayaa lagu dhowaaqi doonaa 3da bisha July ee soo socota iyadoo dhagaysiga dacwadan ay muddo dheer qaadatay.

Arroor hore ayaa 2dii April 2015 afar dabley ah waxa ay weerar ku qaadeen dhismooyinka ay degenaayeen ardayda wax ka baranaysay Jaamacada Garrisa iyagoo ku diley 148 ruux oo badankood ay ahaayeen arday ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa diley dhammaan dableydii weerarka ku qaaday jaamacada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: