3 ruux oo looga shakiyey weerarkii Jaamacada Garissa oo maxkamad la soo tagay

HomeWararka

3 ruux oo looga shakiyey weerarkii Jaamacada Garissa oo maxkamad la soo tagay

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku heshay dambiyo la xiriira argagaxisanimo saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii dagaalamaya

ROOBLE OO FURAY SHIRKA GURMADKA ABAARAHA DALKA(DAAWO)
Wasiirka Maaliyadda DFS oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka
Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku heshay dambiyo la xiriira argagaxisanimo saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan ku qaadeen sanadkii 2015kii Jaamacada Garisa oo lagu diley illaa 148ruux oo badankood ay ahaayeen arday.

Maxkamada ayaa ku heshay dambi labo Kenyan ah Hassan Aden Hassan iyo Mohamed Abdi Abiar – iyo mid kale oo ka soo jeeda dalka Tanzania Rashid Charles Mberesero, halka Sahal Diriye Xuseen ay maxkamadu sii deysay.

Go’aanka Maxkamada ayaa lagu dhowaaqi doonaa 3da bisha July ee soo socota iyadoo dhagaysiga dacwadan ay muddo dheer qaadatay.

Arroor hore ayaa 2dii April 2015 afar dabley ah waxa ay weerar ku qaadeen dhismooyinka ay degenaayeen ardayda wax ka baranaysay Jaamacada Garrisa iyagoo ku diley 148 ruux oo badankood ay ahaayeen arday ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa diley dhammaan dableydii weerarka ku qaaday jaamacada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: