Madaxweynaha Puntland oo hambalyo hawada u mariyeey Wasiirka Maaliyada DDS

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo hambalyo hawada u mariyeey Wasiirka Maaliyada DDS

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hamb

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socda DDS (Daawo)
WASIIRKA DHALLINYARADA & CIYAARAHA DDS OO GODEY GAROON KUBADDA DHAGAXDHIGAY
JIGJIGA: Shacabka oo Biyo la’aan ka cabanaya (daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda DDS Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: