HomeUncategorized

RW Cumar oo Garowe Dhex-Dhexaadin u yimid

Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Nov-2015 kusoo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo.

3 mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo laga cayriyey golaha, laguna eedeeyey xiriir ay la leeyihiin hoggaanka SSC.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Xarunta Garoowe 10 07 2016.
Kalsooni u qaadista RW Cabdiweli Sheikh oo dib loo dhigay ilaa sabtida howlo farsmo dartood

Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Nov-2015 kusoo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo.

Waxaa sidoo kale iyana kaqayb qaatay Soodhoweynta Weftiga Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashii Sharma’arke Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Soodhoweynta Waftiga kadib waxaa loosoo gelbiyey Aqalka Madaxtooya Puntland ee Garoowe halkaas oo Madaxweyne Gaas iyo RW Sharma’arke  ay war-fidiyeenada kula hadleen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka  salka kuhayso sidii xal-waara loogu helilahaa shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada meesha kadhacday ay salka kuhayso Jid 130mitir ah oo kamid ah dhulka Puntland oo furitaankiisa looga gollahaa horumarka magaalada taasina aanay ahayn wax lashideeyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland, Shacabkeeda iyo Wax-garadkeeduba ay weli diyaar u yihiin Deris wanaag iyo Nabad kuwada Noolaasho ay kula noolaadaan dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed.

Geesta kale Ra’iisul-wasaare Sharma’ake ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Shacabkiisaba sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen waxaanu  intaa raaciyey in ay u yimaadeen oo keliya sidii xalwaara looga gaari lahaa shaqaaqada kadhacday Magaalada Gaalkacyo iyo sidii xasilooni waarta loogu heli lahaa dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka obolka Mudug.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: