Qaramada Midoobay oo ka Hadashay Dooni lagu Afduubtay X.Somalia

Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa cambeeray afduubkii dhowaan loo gaystay dooni kalluumeysi oo laga qafaashay xeebaha Soomaaliya. “Xilli Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso siyaasadda iyo ammaanka, laguna guda jiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad badeedda,“waxaan cambaareynayaa burcadnimada hubaysan ama burcadda badda,”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay oo arrintan ka soo saaray war saxaafadeed.
 
Doonidaan ay afduubteen kooxaha burcad badeeda ah ayaa laga lahaa wadanka Pakistaan, waxaase ka dul heehaabayey calanka Jamhuuriyadda Iiran, iyadoona ay saarnaayeen 15 badmaaxiin ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, waxayna burcaddii afduubtay la aadeen dhinaca deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com