Turkiga waxbarasho ugu yaboohday Abshir Taaktika oo sawir ka sameyeey Madaxweynaha Turkiga

HomeWararka

Turkiga waxbarasho ugu yaboohday Abshir Taaktika oo sawir ka sameyeey Madaxweynaha Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz ayaa qalabka farshaxanka guddoonsiiyay Wiil dhalinyaro ah oo dhowaan sawir gacmeed ka sameeyay sawir

Alshabaab ayaa xalay weerer culus ku qaaday saldhig ay ciidama dawladu ku leeyihiin afgooye
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Wararkii ugu dambeyeey ee khilaafka Farmaajo & Rooble

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz ayaa qalabka farshaxanka guddoonsiiyay Wiil dhalinyaro ah oo dhowaan sawir gacmeed ka sameeyay sawirka Safiirka Turkiga ee Muqdisho iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Wiilka dhalinyarada oo lagu magacaabo Abshir Taaktika ayaa dhowaan baraha bulshada ku soo bandhigay sawirka Madaxweynaha Turkiga oo si cajiib ah sawir gacmeed uu ka sameeyay, waxaana lagu martiqaaday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Danjire Mehmet ayaa boggaadiyay hal abuurka wiilkan dhalinyarada ah, waxaana uu guddoonsiiyay hadiyad laga keenay Turkiga oo ahaa qalabka wax lagu sawiro ee farshaxanka ah, taasoo ah mid dhiiragelin ah.

Sidoo kale Safaaradda Turkiga ayaa deeq waxbarasho ugu yaboohday wiilkan dhalinyarada ah, gaar ahaan Kulliyadda Artist ama Farshaxanka oo uu ka baran doono Jaamacad ku taal dalka Turkiga.

Turkiga oo taageera Soomaaliya, kana mid ahaa dalkii u horeeyay ee u soo gurmaday xilligii abaaraha sanadkii 2011, xilligaasoo Muqdisho booqasho ku yimid Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo qoyskiisa, waxaana taasi keentay in shacabka Soomaaliyeed aanay quluubtooda ka go’in dadaalka Madaxweyne Erdogan, oo ay taageero weyn u muujiyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: