Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Gedo

Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dhowr jeer la isku noqsaday oo Ciidamada dowladda oo garab ka heleya kuwa Itoobiya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex maray deegaano dhaca duleedka magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Sida wararka sheegayaan Ciidamadan isbaheysanaya ayaa xalay gelinkii dambe weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanada Maykaareebey iyo Iimey oo qiyaastii 20 Km dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmada Garbahaarey, halkaas oo ay ku sugnaayeen Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan mararka qaarna la maqlayay qaraxyo ayaa Ciidamada huwanta ay la wareegaan deegaanadan dhaca duleedka Garbahaarey, kaddib dagaal saacado badan qaatay oo dhinacyada dhex maray.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee dagaalka hoggaamineysay ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku dileen 8 Al-Shabaab ah, dhankoodana uu ka geeriyooday hal askari, mid kalena uu dhaawac yahay sida uu tilmaamay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com