Qarax kadhacay suuq ku yaala magaalada Muqdisho iyo khasaare ka dhashay (sawiro)

HomeWararka

Qarax kadhacay suuq ku yaala magaalada Muqdisho iyo khasaare ka dhashay (sawiro)

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay goob suuq ah ayaa dad badan ku laayay magaalada Muqdisho maanta. Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada

Xildhibaanada Golaha degaanka Gaalkacyo oo ka hadlay Xalaada gobalka Mudug (Daawo)
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday magaalada Xudur
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka dhagaxdhigay Garoon casri ah (dhegayso)

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay goob suuq ah ayaa dad badan ku laayay magaalada Muqdisho maanta.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada hor marta Muqdisho Mall iyo Baar Italia ee degmada Xamar weyne, gaar ahaan halkii la oran jiray Kuleejo del Sud oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxa, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta la qarxiyay ay aheyd mid mashquul badan oo dadbadan fariistaan.

Dhismaha Muqdisho Mall ayaa waxaa ku yaalla ganacsiyo kala duwan sida maqaayado, goobo dharka lagu iibiyo dukaamo kale.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismaha Muqdisho Mall iyo goobaha ka ag dhow, sidoo kale gawaari goobta yaalay ayaa burbur soo gaaray, sawirro laga soo qaaday goobta waxay muujinayeen khasaaraha uu geystay qaraxa.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta gaariga qarxay goobta loo dhigay, kana soo gudbay labada Koontarool ee Ciidamada amniga ka ilaaliyaan agagaarka xarunta dowladda Hoose iyo dhismaha Muqdisho Mall.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: