Maamulihii ajnabiga ahaa ee dekedda Bosaso geeridiisa oo la xaqiijiyay

HomeWararka

Maamulihii ajnabiga ahaa ee dekedda Bosaso geeridiisa oo la xaqiijiyay

Maamulihii dekedda Bosaso Paul Anthony Farmosa  ayaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar uu nin hubaysan uu ku qaada

Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
MAANHADAL: Heshiiska Dekadda Berbera iyo xadgudubka Imaaraadka Carabta (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)

Maamulihii dekedda Bosaso Paul Anthony Farmosa  ayaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar uu nin hubaysan uu ku qaaday, isagoo ku sugnaa goobta uu ka deganaa magaalada Bosaso.

Paul Fomosa oo u dhashay jaziiradda Malta ayaa u shaqaynayay shirkadda P&O Ports oo ahayd qayb ka mid ah shirkadda maamulka dekedaha ee wadanka Imaaraatka Carabta ee DP World.

Sidoo kalle laba askari iyo kuxigeenkiisa ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarkan.

Dilkan ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab.

Ciidamada Ammaanka ayaa dilka kadib gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro ah oo looga shaki qabo inuu dilka gaystay, waxaana socda baaritaano.

Shirkaddan ayaa bishii October ee sanadkii 2017kii la wareegtay maamulka dekedda Bosaso, kadib heshiis muran dhaliyay oo baarlamaanka iyo xukuumaddii xukunka uu ka dhacay ay la galeen, kaasi oo dhigaya inay maamulaan dekedda Bosaso muddo sodon sano ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: