Maamulihii DP World ee dekedda Boasaso oo la dhaawacay

Maamulihii DP World ee dekedda Boasaso oo la dhaawacay

Wararka kasoo baxaya dekedda Bosaso ayaa sheegaya in saakay lagu dhaawacay maamulihii shirkadda DP World Paul Formasa oo dhalashadiisu tahay wadanka Talyaaniga.

Nin hubaysan oo la sheegay inuu ka mid ahaa kalluumaysatada Bosaso ayaa la sheegay inuu weerarka gaystay, kaasi oo hadda gacanta lagu hayo.

Sidoo kalle waxaa jira dhaawac sooo gaaray ilaaladiis.

Saraakiil katirsan dekedda ayaa noo xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray masuulkan inuu yahay mid halis ah oo aad u culus.

Wixii kasoo kordha la soco Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com