Al-shabaab oo ka baxay deegaano ka mid ah Galgaduud

HomeWararka

Al-shabaab oo ka baxay deegaano ka mid ah Galgaduud

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka

Saaka & Dunida iyo Cabdinaasir jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Muqdisho: Xisbiga Wadajir oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya
Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan go’aankii lagu Mamnuucay Shirkadda DP Wolrd (dhegayso)

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Dadka degaannadaasi sheegay in ay arkeen dagalaamayaasha oo halkaasi isaga guuraya, iyagoo u jiheystay dhanka Degmada Ceel-buur.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf, sheegay in ay isugu yeereen Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu diyaar garoobaan hol-gal ka dhan ah Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada ay Gobolka kaga sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale soo dedejisay ka bixista Ururka Al-Shabaab degaannada ka tirsan Galgaduud, markii ay kordheen duqeynta xagga Cirka ah ee lagu bar-timaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo Laba Cisho ka horna ay duqeyn xooggan ka dhacday Tuulada Dudun-cad oo ka mid ah meelaha ay haatan ka carareen argagixisadu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: