Al-shabaab oo ka baxay deegaano ka mid ah Galgaduud

HomeWararka

Al-shabaab oo ka baxay deegaano ka mid ah Galgaduud

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka

Aqoonyahan Cabdisalaan Maxamed Cali Dhoolayare: “Xamar anaa macalin ka ahaa Goodax Barre waxbarashada kuma jirin, waa la iska soo magacaabay ”
Warka Duhurnimo, Xuseen Cabdi Jimcaalle, Daljir Bossaaso(dhegayso)
Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay Shirka Garoowe (dhegayso)

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Dadka degaannadaasi sheegay in ay arkeen dagalaamayaasha oo halkaasi isaga guuraya, iyagoo u jiheystay dhanka Degmada Ceel-buur.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf, sheegay in ay isugu yeereen Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu diyaar garoobaan hol-gal ka dhan ah Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada ay Gobolka kaga sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale soo dedejisay ka bixista Ururka Al-Shabaab degaannada ka tirsan Galgaduud, markii ay kordheen duqeynta xagga Cirka ah ee lagu bar-timaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo Laba Cisho ka horna ay duqeyn xooggan ka dhacday Tuulada Dudun-cad oo ka mid ah meelaha ay haatan ka carareen argagixisadu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: