Amaamka Garoowe oo la,adkeeyay iyo madaxweyne Farmaajo oo ka soo qayb galaya  Caleemo saarka madaxweynaha Puntland

HomeWararka

Amaamka Garoowe oo la,adkeeyay iyo madaxweyne Farmaajo oo ka soo qayb galaya Caleemo saarka madaxweynaha Puntland

Guddiga amniga ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay awaamiir adag ka soo saareen amniga caasimada Puntland ee Garoowe oo lagu wado in 26ka bishan

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Galmudug
BARNAAMIJKA AFURINTA AGOONTA IYO DANYARTA BOOSAASO
Warka Caweysin iyo Saynab Cabdinuur Daljir Bosaaso (dhegayso)

Guddiga amniga ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay awaamiir adag ka soo saareen amniga caasimada Puntland ee Garoowe oo lagu wado in 26ka bishan lagu caleemo saaro madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in gudaha magaalada aan lagu dhex arki karin gaadiidka aan taarikada lahayn iyo Askarta aan wadan dirayska ciidamada ee hubka ku dhex wata magaalada gudaheeda.

Shirkan jaraa,id ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Amniga Putland Axmed C/laahi Yuusuf Dowlad iyo Taliye yaasha ciidamada amniga ee gobolka Nugaal.

Caleemo saarka madaxweyne Deni ayaa waxaa ka soo qayb gali doona madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo sida ay Daljir uxaqiijiyeen Ilo xogogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0