HomeUncategorized

Xisbiyada Mucaaradka Somalilalnd iyo Xukuumadda Siilaanayo oo Shirar ku leh Hargaysa

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa Waxaa si rasmi ah uga furmay maanta wadahadallo u dhaxeeya asxaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah.rn

DHEGEYSO-Xulkii Puntland oo koobkii ku wareejinaya gobolada.
Ciidamo u gaar ah illaalinta ammaanka xaafadaha oo hawl ka bilaabay Galkacyo.
Dhagayso W. Soocade: Shacabka Puntland firxadka Shabaab dawladda ha usoo sheegeen, maalintii 4aad guul-baan ka gaarnay dagaalka.

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa Waxaa si rasmi ah uga furmay maanta wadahadallo u dhaxeeya asxaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah.

Kulankan ayaa waxaa furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wuxuuna hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafadka ay ku heshiin doonaan wax Somaliland dan u ah, laguna soo af-jarayo khilaafka taagan.

Wadahadalladan Waxaa dhinaca Xisbiga Talada haya Hoggaaminaya Guddoomiye xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, dhinaca xisbiyada mucaaradka ahna waxaa hoggaaminaya labada guddoomiye, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Shirkan ayaa daba-socda baaq uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo kaga dalbaday xisbiyada mucaaradka ah in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo xalliyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22-ka bilood ah ee ay Golaha guurtidu xilliga ugu kordhiyeen xukuumaddiisa.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: