HomeUncategorized

Dowladda hoose ee Gaalkacayo oo hagaajinaysa nadaafada jidka laamiga ah ee magaalada (Dhegeyso)

Gaalkacayo, November 26, 2013 - Magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug waxaa maanta ka bilowday olole nadaafadeed oo balaaran, kaasoo lagu nadiifinayo jidka wayn ee laamiga ah ee dhexmara gudaha.

Caawa iyo Daljir, Axad Feb 10-2013, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ (Hargeysa)
Ku dhawaad 4 milyan oo doollar oo budhcad badeed ku socotay oo lagu qabtay Muqdisho. Afhayeenka bileyska oo ka hadlay.
Kenya oo muwaadiniinteeda kala baxaysa koonfurta Suudaan xili qalalaasuhu ku sii kordhayo

Gaalkacayo, November 26, 2013 – Magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug waxaa maanta ka bilowday olole nadaafadeed oo balaaran, kaasoo lagu nadiifinayo jidka wayn ee laamiga ah ee dhexmara gudaha magaalada Galkacayo.

Dowladda hoose ayaa bilowday ololaha balaaran ee lagu nadiifinayo jidka laamiga ah ee magaalada Galkacayo.

Ku xigeenka duqa degmada Galkacayo Cabdi Cismaan Faarax (Ciiro) oo la hadlay idaacada daljir, waxaa uu xaqiijiyey ololaha bilowday, waxaa uu sheegay in jidka isbedel ku yimi oo boor fara badan iyo bilic xumo laga dareemay.

Dadka degan magaalada Galkacayo ayuu mudane Ciiro ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nadaafada, isla markaasna ka qayb qaataan ololaha hagaajinta jidadka iyo weliba nadiifinta meelaha muhiimka u ah bulshada degmada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Iimaan Maxamed Jaamac oo daljir ka tirsan ayaa waraystay ku xigeenka duqa Galkacayo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: