HomeUncategorized

Ku dhawaad 4 milyan oo doollar oo budhcad badeed ku socotay oo lagu qabtay Muqdisho. Afhayeenka bileyska oo ka hadlay.

Caption ...

M/weynaha Xassan Shiikh ayaa taliyahaBilayska & Nabadsugidda magacaabay
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo CC Geeddi.
Baahin: Khamiis, 28 Nov 2013, 2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle

Muqdisho, 24 May – Ciidamada ammaanka DFKM Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay ku dhawaad 4 milyan oo dollar, taasoo ku socotay koox budhcad badeed ah oo markab uu ugu afduuban yahay xeebaha gobolka Mudug.

Lacagta la qabtay oo dhammayd 3.6 milyan oo dollar ayaa ku jirtay karaatoon lagu soo qariyay, waxana lacagtaasi sidday dayuurad la sheegey in ay ka soo duushay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, taasoo ku wareejin lahayd dayuurad kale oo ka kicitintay garoonka magaalada Gaalkacyo.

Col. C/laahi Bariise Afhayeenka ciidanka bileyska oo shir jaraa?id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan raggii lacagtaasi watay oo dhammaantoos ajnabi ahaa, kana kooban 6 nin oo sadex ka mid ah u dhasheen Ingiriiska, labo Kenyaati ah iyo mid Maraykan ah.

Ciidamada ammaanka ee ka hawl gala gagida dayuuradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xidhay 6 duuliye oo la kala socday labada dayuuradood, waxana dhammaan lacagtii madaxfurashada ahayd ee budhcadda ku socotay la wareegey ciidamada dowladda.

Tani waa lacagtii ugu horraysay uguna badnayd ee ay ciidamada DFKM Soomaaliya ay qabtaan ee budhcad badeed loo waday.

Budhcad badeedka ay lacagtani ku wajahnayd iyo sharikadda soo dirtay ee iska leh markabka la haysto ayaan wali ka hadlin dhacdadan.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: