HomeUncategorized

Qaramada midoobey oo sheegtay inaysan suurta-gal ahayn in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

New York, November 26, 2013 - Qaramada midoobey ayaa shaacisay in aan la xiri xoonin xeryaha qaxootiga aduunka ugu wayn ee Dhadhaab, kuwaas oo ku yaala gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

(DHAGEYSO) Warka Fiidnimo ee Radio Daljir
Garowe: Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo iclaamisay in cudurka jadeecadu uu ka dilaacay Puntland.
Maamulka Gobolka Sool oo Doortay duq Degmo oo Cusub

New York, November 26, 2013 – Qaramada midoobey ayaa shaacisay in aan la xiri xoonin xeryaha qaxootiga aduunka ugu wayn ee Dhadhaab, kuwaas oo ku yaala gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Heshiiskii dhowaan ay gaareen dalalka Kenya, Soomaaliya iyo hay?adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayey Qaramada midoobey sheegtay in lagu salayn doono dib u celinta qaxootiga, heshiiska ayaa dhigayey in dadku u noqdaan si iskood ah.

Kitty McKinsey oo ah Afhayeen u hadashay UNHCR waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la tix-geliyo heshiiska, waxay amaantay dadka Kenya oo ay sheegtay in ay u dulqaateen haynta iyo illaalinta amaanka qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Mrs. McKinney waxay cadaysay in aan la xiri doonin xeryaha qaxootiga aduunka ugu wayn ee Dhadhaab oo ay ku jiraan in ka badan nus-milyan ruux oo Soomaali ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku oo Axadii booqday Dhadhaab, waxaa uu halkaas ka sheegay in ay muhiim tahay in la hir-geliyo heshiiskii Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR, waxaa uu qaxootiga u sheegay inay saddex sano gudahood ku noqdaan dalkooda.

UNHCR ayaa dhowr jeer ka hadashay heshiiskii qaxootiga kadib hadalo kala duwan oo ka soo yeeray dhinacyadii saxiixay heshiiska, weliba Hay?ada UNHCR iyo dalka Kenya ayaa dhowr jeer hadalo la xiriira qaxootiga is dhaafsaday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: