Garaad Saleebaan: “Waa u xoogsheeganeynaa … waanwaanta ay sheegayaana waa been … beenta waa lagu cabbaa ee laguma rakaato”

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Garaad Saleebaan: “Waa u xoogsheeganeynaa … waanwaanta ay sheegayaana waa been … beenta waa lagu cabbaa ee laguma rakaato”

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si kulul uga hadley dagaalka xoreynta gobolka Sool. Garaadka

Islaan Bashiir, Dekedda Garacad & Farmaajo: “Waxaan la hadlay oo afkeyga kula hadlay Farmaajo, wuu soodhaweeyey … wuxuu igu yiri waxaa idiin imaanaya RW Kheyre” (daawo)
Xaggee Marayaa Dhismihii Dekadda Garacad ee gobolka Mudug.(dhegayso)
Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS: Baaq Ixtiraanka Go’aanka Baarlamaanka Galmudug (akhriso)

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si kulul uga hadley dagaalka xoreynta gobolka Sool. Garaadka ayaa ku gacanseyray waanwaanta ay Somaliland hadda hadal-hayso, asaga oo yiri, “nin soo duulay waanwaanta uu sheegayaa waa been ee ha maqlina, waxba kama jiraan.”

Garaad Saleebaan ayaa ku celceliyey in “Puntland ay soo xireyso xudduudeeda illaa iyo Labida Gaatama, aysanna ka galeyn wax waanwaan ah.” Garaadka ayaa ku daray, “Somaliland waa lagu kala tagey, waxaana hadda ku soo harey qolo la baxday Jeegaan, Jeegaantuna waa mid laguu yaqaan oo ma aha mid kheyr qabta, cirkuna waa ku qadaa … ninka meesha hadda ka taliyaana waa noocaas Jeegaanta ah.”

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: