AMISOM oo walac ka muujisay in Ciidamadda Maraykanka laga saaro Somaaliya

HomeWararka

AMISOM oo walac ka muujisay in Ciidamadda Maraykanka laga saaro Somaaliya

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Paul Lokech ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka door muuqda ka qaataan Hawlgalka Somali

AMISOM oo ka hadashay Ciidamo u dhashay dalka Uganda oo la Xukumay
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Qasri Cusub ka Dhisatay Garoowe (sawirroo)
Musharrax Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Baashi Cabdullaahi Maxamuud Aw-Cisman ku Booqday Hoygiisa Garoowe. (Sawiro)

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Paul Lokech ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka door muuqda ka qaataan Hawlgalka Somalia, isla markaana la tebi doono haddii Ciiddankaasi laga saaro gudaha Somalia.

Taliyahaasi oo la hadlay Wargeyska The Daily Beast ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay in dhamaan Ciiddamadda Ammanka ee halkan joogo uu mid kasta leeyahay door muhiim oo sax ah.

“Haddii mid ka mid ah Ciiddamadaasi ka baxo iyo haddii la buuxin waayo doorkaas, waxaa hubaal ah inay ka tegi doonaan Ammaan Furan, taasina su’aal kama taagna” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Paul Lokech.

Waxa uu ka digay in la baylihiyo Kaalinta Milliteriga Maraykanka kaga jiraan Hawlgalladda ay AMISOM iyo Ciiddanka DFS ka wadaan gudaha Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: